Top Local Places

Somali Entrepreneurship

26 Grange Road, Birmingham, United Kingdom
Business Service

Description

ad

Boggan waxan ku lafaguri doonaa, aqoonta ganacisiga iyo xirfada uu u baahanyahay qofka ganacsadaha ah si uu ganacsigu u hana qaado, cimri dhererna u yeesho

RECENT FACEBOOK POSTS

facebook.com

TAXANE #27: XADIDDA FIKRADA & U EKEYSIINTA (RIP OFF & DUPLICATE BUSINESS IDEA) Sidii balantayadu ahayd maalin waliba oo jimca ah, waa kan taxane #27...... SIDEE MAALGALIN KU HELI KARAA Waa hubaal qofku hadii uu keeno fikrad ka iibsamaysa, waa laga iibsan, oo waxa jira dad badan oo lacag haysta lakiin garan la’ lacagtooda waxii ay ku bilaabi lahaayeen. Waxa ayse ku xidhintahay kolba qofka iibinayaa fikradaa, sida uu uga iibiyo qofka uu doonayo in uu u maalgaliyo firkadan. Hadaba waxba haku xiiqin in aad fikrad wanaagsan curiso hadii aadan lahayn laba xidhfadood midkood: 1. Haddaadan laxayn xirfadii aad ku iibin karto fikradan ganacsi ee aad curisay. 2. Ama aadan lahayn xirfadii aad ugu dhiibi lahayd cid kaaga wanaagsan iibinteeda. Inta badan waxa dadkeena cadibay, is muujin aanan meelba jirin. Haddii aad maanta firkad ganacsi dad u jeediso, ee aadan lahayn, xirfadii, aqoontii iyo kartidii lagu iibin lahaa aadse fikrad cudoon curisay, soo jeedintaada iyo firkadaada wanaagsan waxay ku danbaynayaan in la iibsan waayo oo aad iska xajisato inta noloshaada ka hadhan. Haddaba fahan xargaha uu u baahanyahay maalgaliyaha in looga garaaco: 1. Maxuu heli lacag degdeg ah sanadka ugu horeeya (Cash return) 2. Sanad waliba hantidiisa maxaa ugu kordhi (Growth rate ) 3. Khatarta ku iman karto hantidiisa maxay tahay (Risk of return) Saddexdan xarig mid waliba si togan, oo cilmiyaysan uga garaac, qofka u sheeg oo cilmi ahaan u tus sanadwaliba inta uu helayo, sanad waliba inta hantidiisa ugu kordaysa u sheeg, khatarta aad ka werwersantahay iyo sida aad ula tacaalayso hadayba dhacdo. Ogow ma shaqayn doonto in aad af-madhan ku tidhaahdo sandkii 25% yaan kuu soo celin sidoo kale hantidaaduna waxa ay kordhi 25% kale, khatartuna waa 0%. Waxaa lagaa doonayaa in aad bandhigto cilmi baadhis dhamaystiran oo aad ama adigu soo samaysay ama ka soo ergaysatay khubaro lagu kalsoonaan karo, caqli iyo waaya arag, aragti fog, wado jeexan iyo khidadii lagu gaadhi lahaa wadadaa jeexan ee kugu xidhi karta aragtidaa fog. Haddaadse la soo hor joogsato ragga tirooyin mutaxan cidna kaa hoos qaadi mayso, waa hubaal lacag ka heli maysid waayo maadan tusin ninkii lacagtiisa kugu aamini lahaa waxii uu hiigsan lahaa ama aamin lahaa. Ujeedada ugu weyn lacagta loo maalgashtana waa raadin hodontinimo. Markaa falankeeda qabo sidaad ninka aad lacagta ka qaadayso u tusi lahayd hodontinimo dhab ah oo hortiisa taala, cida kaliya ee hodantinimda u kasbi kartana aad adiga uun tahay. La soco taxane #28, Jimcaha soo socda maxaan uga baahantahay xirfada maalgalinta..... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

TAXANE #27: XADIDDA FIKRADA & U EKEYSIINTA (RIP OFF & DUPLICATE BUSINESS IDEA) Sidii balantayadu ahayd maalin waliba oo jimca ah, waa kan taxane #27...... Fikrada aad haysato waa hubaal waa lagaa koobiyeen, oo boqolaal u eg iyo in ka sii fiicanba waa laga samayn. Lakiin waxa muhiim ah ma ku baraarugsantahay mise kuma baraarugsanid? Haddaad ku baraarugsantay maxaa kaaga qorshaysan? 1. Waxaad u baahantahay kaliya in aad taqaano suuqa aad ku jirto baaxadiisu inta ay la egtahay. 2. Waxaad u baahantahay in aad marka horeba suuqa dadka soo galayaa aadan fursad siin ay ku soo galaan. 3. Waxaad u baahantahay in aadan iska dhaadhicin hadii suuqa lagula soo galo in aadan adigu guuldaraysan. Markaan saddexdaa qodob samayso ku darso xisaabta labo oradyahan hadii ay baratamaan ma dhici karayso in ay labaduba bilad dahab ah wada qaataan koleeyba mid baa dahab qaadan midna waxa uu qaadan naxaas/silfar. Waa hubaal hadaad kaalinta koowaad u orodo in aad tan labaad waayayn haddaad waydo tan kowaad. Haddaad kalinta labaad gasho macnaheedu waxa weeye hadduu suuqa qaato ninka kaaga xoog badan 30% adiguna waxaad qaadan 20%, 50% hadhay yaa laga yaaba in ay dhamaan mehradaha kale ee suuqa kugula jira in ay kala qaataan midba itaalkii inta u dhaxaysa 10% - 5%. Waa dabeecada iyo sunaha ganacsiga suuqa in la kala xoogo, oo marba mid kaalinta kowaad laga saaro, lakiin waxa ugu liita mehrada intooyo suuqeeda bixiso hadana cabata oo ku cabata meeshu waa meel shaydaan oo la is koobiyaynayo uun. Waan ogahay fikrad uu waqti kaa galay oo ay tamar kaa gashay ma sahlano in si yar oo dhayal ah lagu qaato. Lakiin waxaad u baahantahay in aad aminto aaminto: 1. In uu suuuqa idinku filanyahay 2. In aad noqoto mehrada ugu raaligalinta badan 3. In aad noqoto mehrada loogu jecelyahay ee hadii hal shay la iibsanayo laga iibsado 4. In aad hindisto waxyaabo aad kaga duwantahay oo aan la koobiyeen Karin 5. In aad aroorba aroorta ka danbaysa la timaado hal-abuur hor leh Wax waliba waa la koobiyeen karaa, lakiin lama koobiyeen karo shaqaalaha kula joogo habdhaqankooga, dabeecadahooga iyo qaab fulintooda shaqada. 6. Caligaaga, xoogaaga, tamartaada iyo aragtidaada iskugu gee sideed u noqon kartaa mehrada ugu fiican gaygi, ha ku habsaamin wax kale Lama koobiyeen karo aragtidaada ganacsi, lama koobiyeen karo geedigaaga ganacsi iyo hor ujeednimadaada. Lakiin hadaad dhex fadhi anan macaamiishiisa kasban karayn noqoto macnaheedu maaha waa lagu koobiyeeyay ee adigaa fursada bixiyay. Waqtigii isku xaafad yaan nahay iyo isku jufaan nahay waan ka gudubnay waxaan u gudubnay xili dadku uu ilbaxay uu doonayo in uu baahidiisa helo, waxa uu jeclayahay in uu helo, wax uu xor u yahay in uu helo uunan u faruuryo xidhnaan cid kale in uu helo lacagtiisa wax u badali kara oo xaajidiisa uu ku gudan karo. La soco taxane #27, Jimcaha soo socda sidee la isaga celiyaa dadka fikradaha ganacsi koobiyeeya..... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

TAXANE #27: XADIDDA FIKRADA & U EKEYSIINTA (RIP OFF & DUPLICATE BUSINESS IDEA) Sidii balantayadu ahayd maalin waliba oo jimca ah, waa kan taxane #27...... Ganacsigu waa dagaal, dagaalkiiisuna ma laha damaanad badbaado iyo amni joogta ah, sidaa darteed, dhulkaaga difaaco kuwa dadka kalena ku duul oo qabso (Business is war. Nothing is safe and secure. Protect your land and invade others’ land) Horayna waan u qoray, hadda waan qorayaa, waanan qori doonaa jawaabta su’aalahan oo ay inta badan dhalinyartu i waydiiso: 1. Sidee fikrad fiican ku heli karaa? 2. Sidee koobiyeenta fikrada isga difaaci karaa? 3. Sidee maalgalin ku heli karaa? Mid aamin, suuqu waa xor, cidna cida kale kama ceshan karto, markaa qof waliba xaq yuu u leeyahay in uu waxa uu doono sameeyo ama suuqa u iib keeno. Adigu qalbigaagga haka buuxin ‘’Kolayba waa lagaa koobiyeen fikirkane maxaad ka bilaabi”. Waan ogahay, sida dhacda badanka, nin lacag kaa badan haysta, yaa isla marka uu arko fikradaada ganacsi, kaa garab bilaabi mid kaaga ka wacan oo ka heer saraysa inleen waa nin kaa lacag badane. Taasi maaha in ay ku baqdin galiso oo ay madhalays ka dhigto fikrad ganacsi, oo ku gaadhsiin lahayn halka aad rabto. Laba wiil/gabdhood oo mataana ah illahay ma siiyo caqli isku mid ah koley iyo koleyba mid unbaa wax dheer midka kale, sidoo kale laba qof waliba oo illahay abuuray isku caqli ma noqon karaan isku karti ma noqon karaan, markaa qofka wax kaaga deydaa, haduu kaa badiyo waa adiga iyo caqligaaga, waa adiga iyo xirfaddaa, waa adiga iyo kartidaada. Marka horaba ka fikir ganacsiga aad bilaabayso in lagaaga deyan doono isku deyashadana ay qayb ka tahay sunaha nolasha aadamah. Waa hubaal, waa sas/ambabar/qarow/riyo xun (nightmare) in aad mar uun ku baraarugto, in lagaa garab bilaabayo ganacsi la mid ah ganacsigaaga, mehrad wadata magaca mehradaada mid u dhow, dhamaan waxii uu waqti kaa galay si fudud lagaaga garab furto. La soco taxane #27, Jimcaha soo socda sidee la isaga celiyaa dadka fikradaha ganacsi koobiyeeya..... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

Taxane #26: FIKRAD GANACSI (BUSINESS IDEA) Sidii balantayadu ahayd maalin waliba oo jimca ah, waa kan taxane #26, oo bilow ah....... FIKRAD GANACSI QIIMO MA YEELAN KARTAA KA HOR BILOWGA GANACSIGA/TIJAABINTA FIKRADA? (VALUATION OF PRE-REVENUE IDEAS) TARTANKA SUUQA (COMPETITION) Marka aad haysto, fikrad ganacsi ku qiimee fikradaada ganacsi, kolba tartanka suuqa yaala. Marka fikradaadu ay tahay mid kali ah/gaar ah (Niche market), waa hubaal way ka qiima badnaanaysaa kuwa kale. Haddaba ogow waxa fikradaha suuqa u yeelaa, waxa ka mid ah, kolba sida ay uga duwantahay fikrada kuwa kale. Haddii ay ka duwantahay kuwa kalena waa ay kaga adkaan suuqa fikradadaha kale ee la midka ah. Sidoo kale asalkaba ku dadaal fikrad ka duwan fikradaha kale ee ganacsi si qiimaha ay goyn karto fikradaada ganacsi u sareayso. Kal duwanaashaha fikradu maaha in aad gabi ahaanba keento fikrad ganacsi, oo ka duwan fikrad kale gabi ahaanteedba waxase muhiim ah in ay ugu yaraan wax uun kaga fiicantahay. Ogow, haddii fikradaadu tartamayaasha suuqa kula jiraayi badanyihiin, fikradaadu ma goyn karto qiimaha aad ka filaynayso. La soco taxane #26, Jimcaha soo socda iyo fikrad ganacsi...... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

Taxane #26: FIKRAD GANACSI (BUSINESS IDEA) Sidii balantayadu ahayd maalin waliba oo jimca ah, waa kan taxane #26, oo bilow ah....... FIKRAD GANACSI QIIMO MA YEELAN KARTAA KA HOR BILOWGA GANACSIGA/TIJAABINTA FIKRADA? (VALUATION OF PRE-REVENUE IDEAS) Baaxada suuqa (Market size) Fikradaadu waxa ay iibgal noqon kartaa kaliya marka la garanayo, baaxada suuqa. Si loo garta baaxada suuqa waxa loo baahanyahay xarun cilmi baadhis oo samaysay cilmi baadhis ku saabsan fikradaada ganacsi. Haddiiba ay jirto fikrad kale ganacsi oo la mid ah taada ama u dhow oo qiimayn lagu sameeyay taada waa looga soo qiyaas qaadan karaa. Sidii horaba aan u xusnay mar waliba oo laga hadlayo baaxada suuqa macnuhu maaha inta suuq ee aad adigu haysato ee waa wadarta guud ee adeegana/badeecadan isticmaasha. Haddii tirada adeegan ama badeecadan isticmaasha uu kobcayo suuqa, waa saadaal ku tusin karta in fikradaada ganacsi uu qiimaheegu sii kacayo. La soco taxane #26, Jimcaha soo socda iyo fikrad ganacsi...... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

Taxane #26: FIKRAD GANACSI (BUSINESS IDEA) Sidii balantayadu ahayd maalin waliba oo jimca ah, waa kan taxane #26, oo bilow ah....... Kobaca & kasbashada (Growth and engagement) Tusaale, koboca suuqa (Market Growth), haddii uu suuqu markii hore ahaa 100 macmiil ee aad haystay 10 macmiil macnaheedu waxa weeye suuqa waxaad leedahay/ku jirtaa 10%. Haddii suuqa ay ku soo korodho 100 macmiil oo cusub hadii aad 100, ee aad ka qaadato 10 macmiil. Ogow, koboc ganacsi ma jiro, wali waxaad joogtaa uun 10%-gii hore. Markaa waxa ay ka dhigantahay suuqa yaa si Alle isaga kordhay ee adigu dadaal ganacisgaaaga lagu amaani karo lamaad iman, oo la odhan karo ganacsigan waxa uu u kordhayaa sidii caafimaadka qabtay ee laga filanayay. Hadduuse ganacsigaaa malinba maalinta ka danabaysa, qaadanyo suuqii horay u jiray ama kan cusub ee yimid % ka mid ah, waa koboca dhabta ah ee lagu saadaalin karo qiimaha ay leedahay fikradan ganacsi. Fikrada ganacsi iib-galkeedu waxa uu ku xidhanyahay kolba inta ay suuq yeelan karto mustaqbalka dhow iyo kan dheerba. Markaa hadii mustaqbalka fikradan la saadaalin karo waa qasab in lagu saleeyo qiimaynta kolba suuqa ay yeelan karto mustaqbalka. Sidoo kale waxa fikradaha, qayb ka noqon kara fursadaha qandaraasyada suura gal-ka ah in la heli karo loona baahanyahay ee suuqana yaala. La soco taxane #26, Jimcaha soo socda iyo fikrad ganacsi...... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

Taxane #26: FIKRAD GANACSI (BUSINESS IDEA) FIKRAD GANACIS QIIMO MA YEELAN KARTAA KA HOR BILOWGA GANACSIGA/TIJAABINTA FIKRADA? (VALUATION OF PR-REVENUE IDEAS) FILASHADA DHOW EE IIBKA (EXPECTED SHORT-TERM REVENUES) Marka fikir ganacsi la qiimaynayo, inta aanan la tijaabin ka hor, waa in la saadaalin karaa iibka mustaqbalka dhow. TUSAALE: Dhalinyaro aad garanayso, yaa kuu yimid fikrad ganacsi yay kuu soo bandhigeen, waxa ay kuu sheegeen in ay fikradooda ku sameeyeen tijaabo saadaal ah si ay u ogaadaan iibka halka uu gaadhi karo. Fikradu waxa ay ku saabsantahay in la soo saaro sooftiweer ay isticmaalaan dukaamada iibiya wax yaabaha electricity ah si ay u diiwaan galiyaan macaamiishooda ugu iibsashada badan deetana ay u abaal mariyaan. 1. TIJAABO SADDEX MACMIIL (3 PILOT CUSTOMERS) Haddii ay hormuudka fikradan, u qaataan si tijaabo ah 3 macmiil oo ay softiweerka intooy u rakibaan ku yidhahdaan soo tijaabiya, isla markaana ay 3 macmiil ku qancaan softiweerkan fikrada waxa lagu qiimayn karaa boqolaal doolar. Haddiiba ay badeecadan cid uun ay jeclaato, waa hubaal in ay jiri doonto cid kale oo iyaduna jeclaan doonta. 2. TIJAABO 50 MACMIIL (50 PILOT CUSTOMERS) Haddii ay hormuudka fikradan, u qaataan si tijaabo ah 50 macmiil oo ay softweerka intooy u rakibaan ku yidhaahdaan soo tijaabiya, isla marka ay ku qancaana 50 macmiil bixinayaan $1000 bishiiba. 50 macmiilna la hubo in ay noqonayaan macaamiil joogta ah, fikradan waxa laguu qiimayn karaa $500k ilaa $1miyan. 50 Macmiil @ $1,000 Bil waliba = $50,000 @ 12 = $600,000. Haddii $600,000 la hubo, waxa isbadal ku imin kara iibkaa la hubo $100,000 uu hoos u dhaco, sidoo kale waxa uu kor u kici karaa $400,000 markaa qiyaasta lagu qiimayn karo fikradaa waxay noqon kartaa marka iibka saadaasha lagu eego $500k - $1 milyan. 3. TIJAABO 1 MACMIIL (1 PILOT CUSTOMER) Haddii ay hormuudka fikradan, u qaataan si tijaabo ah 1 macmiil oo ay softweerka intooy u rakibaan ku yidhaahdaan soo tijaabiya, isla marka ay ku qancaana la qorshaynayo in laga qaado $50k bishiiba, lana filanayo 50% macmiilkan in uu ku qanci karo softweerkan. Fikradan waxa lagu qiimayn karaa $300k - $500k 1 Macmiil @ $50,000 bishiiba = $50,000@12 bilood = $600,000 @50% filashada la hubo =$300,000. Mar hadii ay filashada la hubo tahay $300,000. Soo lama odhan kar kolay iyo kolayba $300,000 waa la hubaa in la helayo lakiin korna wuu u kici karaa ilaa $500,000. Fikradha waxa lagu qiimeeyaa kolba suuqa ay haysataan, La soco taxane #26, Jimcaha soo socda iyo fikrad ganacsi...... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

Taxane #26: FIKRAD GANACSI (BUSINESS IDEA) FIKRAD GANACIS QIIMO MA YEELAN KARTAA KA HOR BILOWGA GANACSIGA/TIJAABINTA FIKRADA? (VALUATION OF PR-REVENUE IDEAS) Waxaan taxanihii jimcihii hore ku sheegnay, hadii 5 qodab la garanayo sida uu mustaqbalkooga u ekaanayo in ay jawaabtu tahay haa! Ganacsi anan suuqba galin waa la qiimayn karaa lana kala iibsan karaa, hadaba 5-tii qodob waxaa ka mid ah qodobkan: AASAASAYAASHA (FOUNDING TEAM) Tusaale, niman jaar aad tihiin yaa kuu yimid waxa ay kuu sheegeen, in ay bilaabayaan shirkad sooftiweerada samaysa, waxay kuu sheegeen in aad lacag ku darsato 30% sheeko badan kadib iyaguna waxa ay bixinayaan midkoodba 35%. Adiga oo aanan diidayn in aan maalgashato fikradaa hadana, waxaa ila gudboon in aan saddex arrin uun midkood in aan raggan ka hubiyo in ay leeyihiin: 1. Hadaad ninmanka aad garanayso in ay wax tiknoolajiyad la yidhaahdo u bilownaynba, hadii aad tahay nin khamaaraya, waxaad odhan war nimanyahow 30% waxa uu u dhigmaa boqolaal doolar. 2. Hadaad nimanka garanayso in uu midna yahay injineer culus midna Iibiye/suuqgeeye culus, waxaad odhan war nimanyahow 30% waxa uu u dhigmaa kumaan dollor. 3. Hadaad nimankan aad garanayso in ay horay shirkad caynkan ah u tijaabiyeen kuna guulaysteen oo ay suuqa ku jiraan mudo, waxaad ku odhan war nimanyahow 30% waxa uu u dhigmaa malaayiin doolar. Haday maskaxdaada iyo caqligaaga ka guuxayaan ninmanka aad wax ku darsanayno ma waxa ay fikradoodu ku qiimeeyaan iyaga waxa ay yihiin mise wax kale, haday kuu qiimaynayaan fahankooga iyo aqoontooda waad ku guulaysan kartaa in aad sicirka saxda ah ku iibsato fikrada aad iibsanayso. Waa hubaal marka aad ku qanacdo hadaad wax ku darsato in aad guulaysanayso. La soco taxane #26, Jimcaha soo socda iyo fikrad ganacsi...... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

Taxane #26: FIKRAD GANACSI (BUSINESS IDEA) Sidii balantayadu ahayd maalin waliba oo jimca ah, waa kan taxane #26, oo bilow ah....... FIKRAD GANACSI QIIMO MA YEELAN KARTAA KA HOR BILOWGA GANACSIGA/TIJAABINTA FIKRADA? (VALUATION OF PRE-REVENUE IDEAS) Haa, fikrada ganacsi way yeelan kartaa qiimo lacegeed, inta uusan suuqa aqbalin ka hor, waxa ay se ku xidhantahay kolba sida ay u ekaadaan 5-tan qoddob: 1. Aasaasayaasha (Founding team) 2. Filashada dhow ee iibka (Expected short-term revenues) 3. Kobaca & kasbashada (Growth and engagement) 4. Baaxada suuqa (Market size) 5. Tartanka suuqa (Competition) Aduunyada inta la ogyahay, waxa ay soo martay saddex kacdoon, oo mid ka mid ah aan ilaa hada ku jirno. Saddexdaa kacdoon ay aduunyadu soo martay yaa waxa ay kala yihiin: 1. WAQTIGII BEERAHA & XOOLAHA (AGROPASTORAL AGE) 2. WAQTIGII WARSHADAHA (INDUSTRIAL AGE) 3. WAQTIGAN MACLUUMAADKA (INFORMATION/TECHNOLOGY AGE) Waqtiyadaa hore ee ay dadku ahaayeen, xoolaleyda iyo beeralayda way ku adkeed in ay odorosaan mustaqbalka ganacsiga, way ku adkeed in ay is waydaarsadaan waxa ka badan neef/neefaf xoola ah, galaanno hadhuudh ah ama subag iyo caano. Waqtigan dhexe ee ay warshaduhu bilowdeen yaa waxa ay la bilaawday wax kal badalasho ku dhisan qiime. Oo waxa bilowday neefka xoolaha ah ama galaanka hadhuudhka ah in lagu kala badasho wax u dhigama oo dhexeeye ah qiima suganna loo sameeyay oo lagu sheegay lacag... Taariikhyahanku qaar waxa uu sheegaa in ay ka horaysay waqtigan lakiin waxa la leeyahay waa xiligii ay caan baxday dhexeeyaha lacagta. Markii aan soo galanay, waqtigan aanan inaga dhamaan ee aan ku jirno ilaa hada ee loogu yeedho waqtiga macluumaadka ama tiknoolajiyada, waxa uu la yimid odorosida dhacdooyin la sii malaysto iyo sii alkumashada ganacsi aanan la garanayn guushiisa iyo guul daradiisa. Taasi waxa ay keentay iskadaa ganacsi dhisan oo la bilaabayo oo aan wali waxba iibine in qiimo loo sameeyo fikrad ganacsi uu qof habeen uun ku riyooday deetana intuu qalin iyo buug u qaato uu ku xusay riyadiisa. Mar hadaan isku raacno in ay fikradu qiima yeelan karto annaga oo sii amba qaadayna fikir qiimaynta maanta taala dunida casriga ah, maan ka faaloono sida loo qiimeeyo fikrad ganacsi jimcaha soo socda. Waa hubaal waxa jira dad wali jooga waqtiyadaa laga soo gudbay ee xoolo dhaqatada ama beera qodatada la ahaa. Fadlan aamin in fikrada aad hayso ay qiime yeelan karto. Si aadse u ogaato side loo qiimeeyaa fikrad ganacsi nagala soo qayb gal akhriska taxana jimcaha soo socda. La soco taxane #26, Jimcaha soo socda iyo fikrad ganacsi...... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

Taxane #26: FIKRAD GANACSI (BUSINESS IDEA) Sidii balantayadu ahayd maalin waliba oo jimca ah, waa kan taxane #26, oo sii socda....... Culimada ka faalooto helida fikradaha ganacsi, waxa ay sheegaan in siyaabo kala duwan lagu heli karo aragtiyaha ganacsi. Haddaan isku soo ururino waxan isugu keeni karnaa 3 qaab in loo heli karo fikrad ganacsi, saddexduba waxa ay ku qotomaan baahi,dhibaato iyo caqabad: 1. MAXAAD U BAAHNAAN LAHAYD OO AAD LA’DAHAY IN AAD HESHO (IDENTIFY YOUR BIGGEST NEEDS) Bal intood meel fadhiisato indhahana isku xidho, maxaad jeclaanlahayd in aad hesho oo aad la’dahay is waydii ama maxaad intood suuqa ka doondoontay weyday. Tusaale anigu waxaan jeclaan lahaa marka shaqada aan soo dhameeyo, in aan helo maqaaxi u dhiganta fadhiga gurigayga, uu yaalo fadhi aan ku raaxaysan karo lakiin sida gurigayga aan buuq lahayn oo aynan joogin ciyaal igu buuqo. Sidoo kale aan saxiibadayda shaqada ama kuwa kaleba kula wadaagi karo maalmo waxii i soo maray iyo in ay ii noqoto saacad nasasho ah oo aan kaga nasto daalkii shaqada ama buuqa ciyaalka guriga. 2. MAXAY TAHAY DHIBTA UGU WAY NEE KU HAYSATA (IDENTIFY YOUR BIGGEST PROBLEM) Bal intood meel fadhiisato qor oo qodobee, imisa dhibaato yaad malinkii la kulantaa oo aad xal u waydaa amana aad waydaa cid kuu xaliso. Tusaale, shirkad yaad u shaqaysaa, marmarka qaar adiga iyo qayb ka mid ah shaqaalaha waxaad doontaan in aad shir kooban yeelataan, lakiin ma garanaysaan, meel aad tagtaan oo aad shirkaa degdega ah ku qabsataan dabcan deegaanka aad joogto waxa ka jira hoteelo, intuba waxa ay leeyihiin hoolal waawayn oo ay ku shiri karaan in ka badan 100 qof. Lakiin ma laha qolal kookooban oo ay ku shiri karaan 5-10 qof. Haddii aad meesha shaaha lagu cabo loogu iska fadhiisataana waxa laga yaaba in ay sirtiina idiin dhowrsanayn. Haddii xitaa qol gaar ah la idin siiyana waxaa laga yaabaa in aydan ka helin dhamaan agabkii aad ka helayseen xafiiskiina ee ahaa sabuurad (flip chart), projector, buuggag (note books), qalimaan iyo dhamaan agabkii idinka kaabi lahaa shirka. 3. MAXAY TAHAY CAQBADAHA DADKA HOR TAAGAN (IDENTIFY YOUR REGION’S BIGGEST CHALLENGE) Bal intood meel fadhiisato, ka fikir caqabada ugu way nee dadka haysata ee ay had iyo jeer kula wadaagaan ama aad aragto iyaga oo ka cabanaya. Tusaale, dadku waxa ay sheegaan marka ay dhameeyaan jaamacada heerka, in aynan jirin jaamacada heerka labaad ama saddexaad. Marmarka qaarna ayba waayaan maaddo ay doonayeen in ay takhasus gaar ah ka dhigtaa. La soco taxane #26, Jimcaha soo socda iyo fikrad ganacsi...... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

Taxane #26: FIKRAD GANACSI (BUSINESS IDEA) Sidii balantayadu ahayd maalin waliba oo jimca ah, waa kan taxane #26, oo bilow ah....... Fikrada ganacsiga, horayna waan uga hadalnay hadana mar kale yaynu ka hadli maadaama ay noqotay marka ganacsi la soo hadal qaado waxa ugu hadal haynta badan looguna fahanka yar yahay. Sidaa darteed waxaynu u kala qaadi, Maxaa fikrad ganacsi ah? Sidee loo helaa fikrad ganacsi? Iyo fikrad ganacsi qiimo ma yeelan kartaa ka hor bilowga ganacsiga ama tijaabinta fikrada? MAXAA FIKRAD GANACSI AH? Fikrad ganacsi waa fikir waliba ee laga helo saddex arrin, haddii aanan saddexdan arrin oo wada jira laga helin fikradu maaha fikrad ganacsi ee waa sheeko. 1. WAA IN UU MANFAC JIRAA (CUSTOMER BENEFIT) Is waydii su’aalahan: Badeecadaada/Adeegaaga maxuu faa’iido u leeyahay macmiilka? Badeecadaada/Adeegaaga mushkilada ay xailanayaan maxay tahay? Hadii ay kuu muuqdaan mushkilado ay xalinayaan iyo faa’iidooyin ay macaamiishu ka helayaan badeecadaada/adeegaaga waxa aad curisay fikrad ganacsi oo guulaysan karta, ogow waxa aad haysaa waa fikrad ganaci oo sugan. 2. SUUQA (Market & Competition) Is waydii su’aalahan Badeecadda/adeegga baaxada suuqa ay haysataani intuu la egyahay (Market size)? Waa ayo macaamiisha loogu talagalayo badeecadan/adeegan (Target group)? Imisa mehradood oo waxa aad iibinayso wax la mid ah/ wax u dhow iibiya ayaa suuqaa ku jira? Tusaale Baaxada suuqa (Market size) hadii aad ku nooshahay tuulo yar oo ay ku noolyihiin 1,000 qoys, qoyskiiba uu u baahanyahay in uu cuno kiilow iyo badh bariis ah maalinkii. Baaxada suuqa (Market size) maalinkiiba waa 1,500 oo kiilow. Marka aad ogaato baaxada suuqu uu leeyahay, adiga oo kartidaada iyo itaalkaaga og inta uu la egyahay imisa kiilow yaad ka qaadan kartaa 1,500 kiilow ee malinkii ay tuuladaa u baahantahay (Market share)? Haddaad sidan isku tusaalayso suuqa, tartanka ka jira iyo baaxadiisa uun bay fikradaadu tahay fikrad ganacsi oo dhab ah hadii kale waa dhalanteed. 3. LACAG KA SAMAYNTA FIKRADA (REVENUE MECHANISM) Is waydii su’aalahan Sidee lacag uga samayn karaa badeecadan/adeegan Intee in la eg oo lacag ah yaan ka sameyn karaa sanadkii/bishii/toddobaadkii/maalintii? Lacagtu ilaa intee in la eg yay sii socon kartaa, ma sanad/5sano/10sano/50sano? Marka aad garato sida fikradaada lacag aad uga samayn karto unbay tahay fikrad ganacsi oo jiri karta inta ka horaysa maaha fikrad ganacsi. Haddaba fikrada ganacsi ee guulaysanaysaa waxaad ku garan kartaa in aad ka hesho saddexdan calaamadood, qof walibow, hala soo shirtagin fikrad aadan saddexdan miqyaas soo marin, hala shir iman fikrad aanan ka jawaabi kareyn saddexdan hal xidhaale ee aan xusnay. La soco taxane #26, Jimcaha soo socda iyo fikrad ganacsi...... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

Taxane #25: LEYLIN GANACSI (PRACTICING A BUSINESS FROM IDEA-STARTUP-FINISH LINE) Sidii balantayadu ahayd maalin waliba oo jimca ah, waa kan taxane #25, oo sii socda....... QAANGAADHNIMADA IYO GABOOBIDA GANACSIGA (BUSINESS MATURE AND EXIT STAGE) Maqaaxidayda, way gaadhay halkii aan doonayay, waxaa se la ii ogaa bilowgii maqaaxidan, cilmi baadhis lagu sameeyay dadka bilaaba mehradaha yaryar iyo kuwa dhexe in ay seddex meelood meel (1/3), 3-5 sano inta u dhaxaysa in ay mehradahoogu iska soo taagaan oo ay raadiyaan badal kale iyo si ay uga baxsadaan. Marka mulkiiluhu uu mehradiisa ka soo joogsado sii wadideeda, waxa dhacda in ay mehradu ku dul dunto mulkiilaha aanan markii hore kasii fikirin mustaqbalka mahradiisa. Sidaa darteed madaamo ay maqaaxidaydu gu’yaal jirsatay, waa in aan la imaadaa xeeladii, aan kaga bixi lahaa kusii dhex jirdeeda. Waxaa ila gudboon in aan saddex istaraatiijiyadood midkood uun qaato: 1. MERHRAD DHAXALSIINTA SHAQAALAHA (EMPLOYEE OWNERSHIP TRUST) Haddaan qaato istaraatiijiyadan ah in aan saqaalaaha dhaxalsiiyo, waa in aan shaqaalaha isugu daro, saamiyo isug jira qayb ku qaata bilaash oo waa idiin abaal marin (Bonus issue shares), badhna ku qaata qiime jaban (Right issue shares) badhna caadi u iibsada (Share without premium). Marka aad ugu yadhaan lahaanshihii maqaaxidayda 75% sidaa ku amba bixiyo waxaa laga yaabaa in aan iibka 75% ka helo malaayiin, 25% hadhay oo aan dhiig cusub ku shubayna aan 50-ka sano ee soo socda in aan iska maalo, iyada oo kolba kooxdii ka daashaaba ay dhiig cusub oo kale ay ku sii shubi doonto. 2. KIREYNTA FARAC GANACSI (FRANCHISE) Haddaan qaato istaraatiijiyadan, waxa lagama maarmaan ah in aan dhiso nidaam, ka kooban nidaamyadii 11 ahaa ee taxanayaasha ku soo qaadanay. Marka nidaamkaa aan dhiso si maqaaxidu la’aantay ay u sii jiri karto waa in aan ku wareejiyaa maamulo kala sareeya oo iyagu is ilaalinaya xitaa socon karta la’aanta maqaaxidii asalka ahayd. McDonalds, Startbucks, Costa, Nero, KFC, Nando’s Subway, Papa John’s, Burger King, Dunkin Donuts iyo qaar kale oo badan hadaad tagto waxaad maqli qeybtan waa farac ganacsi (Franchise), waxaaba suuragal ah asalkii mehrada in ay xidhantay oo waxa ka danbayaa ay yihiinba faracyo. 3. GANACSI IIBINTA (BUSINESSES FOR SALE) Haddaan qaato istaraatiijiyadan, waa in aan dhamaan maqaaxida faraha ka saaro oo aa dad kale ka iibiiyo. Dadka qaar yaa fikir qaldan u arko iibinta mehrada, ogow bini-aadam baad tahay waxaad leedahay xuduudo maamul, halabuur, hogaamin iyo jecayl/necbaasho. Hadaad gaadho xadkaa ma dhaafi kartid marnaba, lakiin waxaa hubaal ah in aad dib u soo noqon doonto, markaa waa in aad fahmi karto marka aad joogto xadkaa ganacsi halka ugu danabyso oo aan anigu u bixiyay xariiqa dhamaadka (Finish Line) in aad mehradaada ku iibin karto qiimaha ay u qalanto in lagu iibiyo hadii kale waxaad ku danabayn in aad raqda mehradaada ka dul oydo. Tusaale, hadaan mehradayda ku iibiyo $1,000,000. Ee aan $800,000 oo ka mid ah aan galiyo ganacsi hanti maguurta ah, aan iiga baahneen maamul igu xidhan, ay hantidaana ii noqoto neef xoola ah oo gu’ iyo deyr-ba ii irmaan. $200,000 ee ii soo hadhana aan ku bilaabo mehrad cusub oo hor leh oo aan xiiso cusub u qabo soo guul ma joogo. Maqaaxidayda qiimaheegu in uu noqdo $1,000,000 waxa ay ku xidhantahay markii hore ee aan bilaabayay sida aan uga fikirayay mustaqbalkeeda danbe. Hadii aan ku fikirayay ee aan u dhisayay in ay ahmin ii noqoto, dabacan waan soo naaxiyay... oo maalinta aan doono in aan saylada geeyo waa hubaal waa iib gal ka badan malaayiin iyo balaayiin. La soco taxane #26, Jimcaha soo socda iyo fikrad ganacsi...... jibriil05@hotmail.com Mohamed Jibrill

facebook.com

Quiz

NEAR Somali Entrepreneurship