Top Local Places

Iftiinka Aqoonta

Stora Tenstagränd 6, Stockholm, Sweden
Education

Description

ad

Halkan waxa aad ka heli kartaa dhammaan qalabka waxbarashada sida:buugaagta, CD-yada oo noocyo badan iskugu jirta. iftiinka-aqoonta.com

CONTACT

RECENT FACEBOOK POSTS

facebook.com

facebook.com

Ilaahay mid weeyaan Mid qudhaata weeyaan Mulkigiisa waa u kali. Mid ahaanta Eebbeheen Kownkay u muhiim tahay. Aadmigu mid weeyaan Madowgiyo caddaankii Meel kasta ha joogee Midkaa kalya weeyaan. Maroodiga hargaha weyn Iyo aarka micida leh Waxa uu ku maamulee Maskaxdiyo aqoontana Kas ii wada muhiimsani Midnimada inay tahay Muran miyuu ka joogaa. Dadkaygoow midnimadiyo Haddaad weydo magacaa Magacaa aad leedehee Mowluhu ku siiyey Micno yeelan maysaan. Mansabka aad ku faantiyo Mulkigaa ad leedahayna Waa lagula maamuli, Marti baanad ka ahaan ka darane madow iyo Murugaad ku noolaan. Allhu maa ballaqtu

facebook.com

Halkan waxa aad ku aragtaa buugaag aad u tiro badan oo ay qoreen qorayaal aad u tiro badan oo dunida daafaheeda ku kala nool. Bugaagtaas waxaad ka helaysaa kuwo hore oo waqti fog la qoray kuwo dhexe iyo kuwo cusub intaba. Buugaagtaasi waxay kuu sidaa aqoon kala duwan oo nool walba leh. Ha u daymo la'aan.la soo xiriir iftiinka aqoonta.

facebook.com

Aqoon la,aani waa iftiin la,aan Waa aqal iyo ilays la,aane Ogaada akhriska hooy ogaada Ogaada Afkeennana ogaada

facebook.com

Inkastoo waqtiga iyo ku xumeeyey waayuhu Weynaha agtiisuu kuu yaal wax weyni´e Walbahaarka noloshiyo iska daa walaacoo Gudo waajibkii iyo waxa kula gudboon adig. Walwalka iska daa oo ha is dhiibin weligaa.

facebook.com

facebook.com

Waxaad jeceshahay lama helo haddaad jamato geed adag Wax ku jecelna diiddayee oonad hayn wax kuu jara Ma ogtahay jannada udug jabin mayso gacantu´e Nimaan jerreb u soo marin Ha ku daalin jeedaal. Sahal lama dhex joojee. (Cabdi qays) Lugta jeeni dhaaftaa wey jabtaaye ma ogtahay Webi soo jirfaday iyo badda jow leh ma ogtahay Cago lama dhex joojee. Ha ku daalin jeedaal. Haddaad jamato cadowgaa iyo ruux ku jiidh neceb Hadhka kuuma jiidee ha ku daalin jeedaal.

facebook.com

LIKE OUR FACEBOOK PAGE: https://tinyurl.com/ht8gdaq Visit our website: http://Munirayussuf.com

facebook.com

facebook.com

Qowlikii Nabigee ahaa Waxaan Aadamaha iyo Islaanimadiyo naflaha Midnaba aan u aabba yeelin Awlaadda siqiirka iyo Duqayda indhaha la´ iyo Uurreydiyo xaamilada Wax aan ka ajoo aqoon Abbaar oo ficil u eeg Haddii aad awoodi weydo Afkiyo hadalkaba adeegso Haddii ay kugu adkaato Ka hiif uurkiyo caloosha. Ayaamahan waxayna haysti Intaba wuu ka weyn yahay´e Aan kuu dhiibee abboowe Adigu ma adkaysan lahayd.

facebook.com

Markuu arligeenna dagaalku ka oogmay Markii odayaal iyo owlaadba la laayey Asxaani dhammaatee ummulo la bireeyee Ummaddii ka yaacdee adduun ka faaftay Markii ubadkeennu afkoodii illaaway Ninkii wax arkaayey markuu amakaagay Awood li´idiisa markuu anfariiray Kuwii ifka keenee ilayska siraadee Aqoontaan lahayn iyo Afkiiba ilaashay Iftiinka aqoonta miyaanay ahayn.

facebook.com

SOMALI BOOKS

facebook.com

Quiz

NEAR Iftiinka Aqoonta

Nikita Hair

Stockholm, Sweden
Local business