Top Local Places

Ramadan mubarak

Diepenbrockstraat, Delft, Netherlands
Bookstore

Description

ad

ramadan mubarak

RECENT FACEBOOK POSTS

facebook.com

facebook.com

facebook.com

facebook.com

facebook.com

facebook.com

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

facebook.com

facebook.com

Fataawada Soonka: Qaybta 1 =============== Waxa Tarjumay: Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye Halkan Kala soco Maalin walba bisha Ramadaan Qof Isagoon Waxba Cunin ama Cabin Niyaystay Inuu Soonka Jabiyo ====== 1. Su’aal: Hadii qof si kama dambaysa u niyaysto inuu soonka jabiyo isagoon wax cunin ama cabin, miyuu soonkiisu jabayaa? Jawaab: Waxa la ogyahay inuu soonku ka koobanyahay niyad iyo ka fogaanta waxa soonka jabiya, qofku wuxuu niyaystaa inuu soonkiisa Alle ugu dhawaado isagoo ka tagaya waxyaabaha soonka jabiya, hadduuse go'aansado inuu ficil ahaan u jabiyay soonkiisii, kolkaasi soonkiisu wuu jabay. Hadduu soon Ramadaan yahayna waxa ku waajiba inuu ka fogaado waxyaabaha soonka jabiya ilaa cadceed dhaca, waayo qof walba oo cudurdaar la'aan ku afuray maalin Ramadaan waxa ku waajiba inuu inta maalinta ka hadhay ka fogaado waxyaabaha soonka jabiya iyo inuu maalintaa qalleeyo. Qofkiise aan go’aansan (inuu soonka jabiyo) ee wali isku haya inuu jabiyo iyo in kale, kaasi arinkiisa culimadu way isku khilaafeen: Waxa ka mida kuwo yidhi: Soonkiisu wuu burayaa, waayo go’aan li’idu waxay lid ku tahay go’aanka. Kuwo kale ayaa yidhi: Soonkiisu ma burayo. Waayo waxa asala oo la tix gelinayaa inay niyadu jirto ilaa uu go’aansado inuu gooyo oo uu suuliyo. Kan (ra’yigan) ayaan rajaxayaa xoog ahaantiisa awgeed, Ilaahay ayaa u cilmi leh. Sh. Ibnu Cusaymiin ************************************************************************* Qof Wali Wax cunaya iyadoo loo Adimayo Subixii ====================================== 2.Su'aal: Akhristaha C.Al-Faaris ayaa doonaya inuu ogaado xukunka shareecada ee ku saabsan soonka qof isagoo maqlaya adaankii subaxa hadana wax iska cunaya oo cabaya? Jawaab: Qofka mu'minka ah waxa ku waajiba inuu ka joogsado waxyaabaha soonka jabiya sida cunada, cabitaanka iwm haddii ay u cadaato inuu waagii baryay, soonkuna yahay farad sida Ramadaan, soonka nadarka iyo soonka kafaaro gudka. Waayo Allaah ayaa yidhi: {وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّى يَتَبَّنَ لَكُمْ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنْ الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنْ الْفَجِْر ثُمَّ َِأتموا الصيام الى الليل}البقرة:187. {Cuna oo caba ilaa ay idiin kala cadaadaan khadka cad (waaga) iyo khadka madow (habeenka) ee waqtiga fajarku, soonkana dhamaystira ilaa habeenka} Haddii uu qofku maqlo adaanka, ogaadana in loo adimayo fajarkii waxa waajib ku ah inuu ka joogsado waxyaabaha soonka jabiya, haddiise uu mu'adinku adimayo waabariga ka hor ama ka dib kolkaasi waxay badbaadadu (الأحوط) ku jirtaa inuu iska joojiyo waxa soonka jabiya markuu maqlo adaanka. Dhibna gaadhimayso haddii uu wax cuno ama cabo xillaga adinka, waayo wali kama warqabo inuu waagii baryay. Waxa la ogyahay in qofka ku dhex nool magaalooyinka laydhadhka lihi aanu xilliga waago baryayo awoodin inuu garto in waagii si dhaba u baryay iyo in kale. Waxase la gudboon inuu dadaalo isagoo kaashanaya adaanka iyo jadwalada kuu sheegaya saacadda iyo daqiiqada uu waagu baryayo, isagoo ku camalfalaya hadalka Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ee ah: ((دع ما يريبك إلى ما يريبك)) (Ka tag wixii ku shaki galiya oo ku camal fal wixii aan ku shaki galin) Iyo hadalkiisa (صلى الله عليه وسلم) ah: ((من اتقى الشبهات فقد استبرأ لدينه وعرضه)) ((Qofkii ka dhowrsada arimaha shakigu ku jiro waxa uu badbaadiyay diintiisa iyo sharafkiisa)). Allaana bixiya towfiiqda. Sh.Ibnu Baaz ***************************************************************************** Qof Wax Cunay Iyadoo la Adimayo ama Wax yar Adaanka ka Bacdi ===== 3. Su'aal: Alle tacaalaa waxa uu yidhi: {وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّى يَتَبَّنَ لَكُمْ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنْ الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنْ الْفَجِْر ثُمَّ َِأتموا الصيام الى الليل}البقرة:187. {Cuna oo caba ilaa ay idiin kala cadaadaan khadka cad (waaga) iyo khadka madow (habeenka) ee waqtiga fajarku, soonkana dhamaystira ilaa habeenka}. Waa maxay xukunka qofka suxuurtiisa iska dhamaysta biyana caba xiliga adaanka ama rubuc saac ka dib adaanka? Jawaab: Haddii qofka su'aashan ku xusani ogyahay in xilliga uu wax cunay waxna cabay ka horeeyay waabariga, qale isaga kuma waajibin. Haddiise uu ogaado inuu wax cunay waxna cabay waabariga ka dib, kolkaasi qale ayaa ku waajiba. Haddiise uu kala garanwaayo in xilliga uu wax cunay ee cabay ahaa waabariga ka hor ama kadib kolkaasi qale kuma waajibin, waayo waxa la xukumayaa in ay habeen tahay illaa ay cadaato inuu waagii baryay. Waxase qofka mu'minka ah u haboon inuu soonkiisa ilaashado, oo markuu adaanka maqlo ka istaago waxyaabaha soonka buriya, ilaa uu ogyahay mooyee in mu'adinku adimayo waqtigii subaxa ka hor. Sh.Ibnu Baaz ***************************************************************** W/Q;Dr, Sh Maxamed Kaariye

facebook.com

Ramadan Mubarak

facebook.com

"يوم نحشر المتقين إلى الرحمن وفدا".. لم يقل إلى الجنة بل إلى الرحمن 💟 فأذا كان جمال الجنة لايوصف فا كيف بحالها .. اللهم رضاك والجنة 🌱 .. .. رمضان فرصه واحدة تمر بك اعام فستفيدوها :-)

facebook.com

Ramadan Mubarak all muslims

facebook.com

#Bismillaah #FADLIGA_TOBANKA_MAALMOOD_EE_UGU_HOREEYA_BISHA #DUL_XAJ. Ibnu Cabaas (Allaha ka raali noqdo isaga iyo aabihiisba) wuxuu wariyey in Nabigu (SalAllahu caleyhi wasallam) yiri: "Ma jiraan maalmo la sameeyo camal wanaagsan oo loogu jecelyahy Allaah agtiisa in ka badan tobankaan maalmood (Dul Xaj)." Markaas ay weydiiyeen (Asaxaabtii), "Ma xitaa Jihaadka Allaah dartiisa ah?" Markaas ayuu dhahay, "Xitaa Jihaadka Allaah dartiisa ah, markii laga reebo nin dagaalka aaday isagoo ku bixinaayo naftiisa iyo maalkiisa, kadibne waxba kala soo laaban" Waxaa wariyey Al-Bukhaari Qoraaladan iyo kuwa kaleba waxay tilmaamayaan in tobankaan maalmood ay ka khayr badanyihiin dhamaan maalmaha kale ee sanadka, marka laga reebo tobanka danbe ee Ramadaan, madama ay ku jirto Laylatul Qadriga (habeenka Qadarka), taas oo ka khayr badan kun bilood. Hadaba riwaayado kala duwan ayaa isku waafaqaay. Tafsiir Ibnu Kathiir. In shaa Allaah aan ka wada faa'ideysano 10kaan maalmood ee ugu horeeya bisha Dul Xaj oo aan badino camalada wanaagsan sida Soonka, Qur'aan aqrin, Xusida Allaah, Sadaqo iwm.

facebook.com

Quiz

NEAR Ramadan mubarak